Shirka madasha Qaran oo  qodobo xasaasi ah looga hadli doono.

Shirka madasha Qaran oo  qodobo xasaasi ah looga hadli doono.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Talaada ah ayaa  la filayaa in uu furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

 Shirkan oo lagu balansanaa inuu furmo bishii hore ayaa arrimo farsamo darteed dib ugu dhacay.

Shalay waxaa Muqdisho soo gaaray madaxda maamul goboleedyadda si ay uga qeyb galaan shirkaan uu shir guddoomin donna Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobada la filayo in shirkaan diirada lagu saaro waxaa ka mid ah arrimaha amniga, doorashooyinka soo socda iyo dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab.

Maamulka Puntland ayaa ka qeyb galin Shirkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana loo baahan yahay in dowladda dhexe iyo maamulada ay si wadajir ah uga qeyb qaataan diyaar garowga socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.