Shirkadaha bixiya Abaalmarinada oo godkooda biyo ugu soo galay

Shirkadaha bixiya Abaalmarinada oo godkooda biyo ugu soo galay

Muqdisho (Raxanreeb ) Machadka Tayada Qaranka ee Hay’ada Tayo dhawrka waxa uu ku wargelinayaa dhammaan shirkaddaha iyo hay’addaha bixiya adeegyada abaalmarinada noocyadeeda kala duwan inay iska soo diiwaan geliyaan machadka laga bilaabo 24ka Juun, 2023 kuna egtahay 10ka luulyo, 2023. Waxad iska diiwaan gelisaa Google Formka hoos ku xusan sidoo kale waxaad booqan kartaa xarunta Machadka ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Dalabka hey’adda ayaa soo baxay kadib markii ay suuqa shaqada ku soo kordheen shirkado bixiya bilado abaalmarinada shirkadaha iyo shaqsiyaadka ugu adeega wanaagsan.

Dad badan ayaa walaac ka muujiyay hanaanka qiimeynta ay u maraan shirkadaha iyo wax lagu doorto qofka la guddoonsiiyo biladaha.

Kala hufka ay horseedka u tahay Hey’adda Tayo Dhawrka ayaa la maleynayaa in uu wax weyn ka badalo bixinta abaalmarinada iyo qiimeynta bixinta adeegyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.