Muqdisho (Raxanreeb) — Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay June 27, 2023-ka ayaa muddo lix bilood oo dheeraad ah u cusboonaysiiyey joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga oo hadda qaatay magaca ATMIS.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qorshe ay si tartiib-tartiiib ah uga baxayaan dalka Ciidamada ATMIS illaa laga gaaro in ay gebi ahaanba ka wada baxaan dalka, kaas oo ahaa qorshaha in ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024-ka.
Ciidamada ATMIS ayaa la damacsanaa in ay Soomaaliya faarujiyaan December 31, 2024-ka balse muddo kordhinta loo sameeyay ayaa hadda ka dhigaysa in Amniga dalka ay ku wareejiyaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda loo sii carbinaya, bartamaha 2025-ka.
Dhamaadka bisha June ayaa qorshuhu yahay in ilaa 2,000 oo askari laga saaro Soomaaliya. Wareejinta iyada oo saddex saldhig oo ay ku lahaayeen Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha dhexe ku wareejiyeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Police Militaire.
Ilaa hadda sanadkan ayaa ciidamada Midowga Afrika waxa ay ku wareejiyeen lix saldhig oo ciidan oo shan ka mid ah ay ku yaallin Shabeellaha Dhexe. Saldhigii ugu horeeyay oo ku yaala degmada Heliwaa ee caasimadda Muqdisho ayaa waxaa la wareejiyay 22-kii bishan Janaayo. Waxaa kaloo maamulayay ciidamada Burundi.