Siciid Deni oo tababar u soo xiray ciidamo cusub oo kamid noqonaya Booliska Puntland

Carmo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta degmada Carmo tababar u xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda Kulliyadda tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo. Ciidankan ayaa ku dhow 500 oo Askari waxayna dhameysteen tababar 8-bilood ah.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhameystay oo maanta lagu dhaariyay fagaarihii Xafladda xiritaanka tababarka, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan kuwo wixii aqoon ah ee la baray ku anfaca dalkooda iyo dadkooda. Isagoo xusay sida Dowladda Puntland uga go’antahay dhismaha Ciidamada, Amniga iyo Argagixisada.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka oo Puntland ka taageertay tababarka, wuxuu boggaadiyay dadaalka taliska Ciidanka Booliska, Saraakiisha , Macalimiinta iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay intuu socday tababarka .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, Goleyaasha dowlad goboleedka Dowladda, Isimada Dhaqanka, Saraakiishada Ciidanka, Maamulka Gobolka Bari , kan degmada Carmo , Fanaaniinta PUNTBAND iyo Bulshada degmada Carmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.