Somaliland ‘’Heshiiska Itoobiya waxaan ku doorsanay Aqoonsi‘’

Somaliland ‘’Heshiiska Itoobiya waxaan ku doorsanay Aqoonsi‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumada Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay  heshiiska dhanka ah badda ah ee ay qalinka ku wada duugeen , Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Muuse Biix Cabdi.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)oo war qoraal ah soo saaray ayaa difaacay heshiiskaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay , mid taariikh u leh shacabka Somaliland .

Waxa uu qoraalkiisa  uu ku xusay Wasiirka warfaafinta Somaliland in talabadaas wax badan ay ka tari doonto , aqoonsiga iyo dhaqaalaha Somaliland sida uu ku xusay qoraalkiisa.

”Kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah waa Taariikh weyn oo lagu Tallaabsaday, waxana ku jira in heshiiskaas lagu doorsado aqoonsi iyo koboc dhaqaale ‘’ ayuu  yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Intaas waxa uu ku daray Wasiirka  ‘’Waa tallaabo wax ka beddelaysa taariikhda, waana heshiis geesinimo leh oo hore loo qaaday, waxayna albaabada u furaysaa mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo Itoobiya”

Si kastaba heshiiska Abiy uu la galay Somaliland ayaa si cara leh waxa uga jawaabay shacabka Soomaaliyeed dal iyo  dibadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.