Baydhabo (Raxanreeb) —Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka qebta Bakool, oo maanta isku soo dhiibay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Xubnahan ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Ibraahim Maxamed Nuur oo magaciisa afgarashada loogu yeero (Siid Cali) oo 22 jir ah iyo Aadan Isaaq Aadan oo 21 jir ah ayaa muddo 5 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Labadan nin ayaa sheegay in ay qaateen go’aan ay isaga soo baxayaan kooxda Al-Shabaab, sida ay u dhaqmayaan fikrada khaldan.
Raggan ayaa sheegay in ay ka mid ahaayeen qeeybta Jabhadda ee ka howlgala sidoo kalena ay sheegeen inay qeeyb ka ahaayeen dagaallo dhoowr ah, oo ka dhacay dalka.
Sidoo kale waxay sheegeen in hadda ay ka faa’iideysanayaan cafiska uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheskh Maxamuud, sidaasna ay isku soo dhiibeen, iyagoo ka faa’iideysanaya in la geeyo goobaha dhaqan celinta si looga meyro fikradaha khaldan ee kooxda Al-Shabaab.
Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah, meelaha ugu badan ee ay isku soo dhiibaan kuwaas oo sheegay in ay u adkeysan waayeen dagaallada ba’an ee howdka lagula jiro kooxda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo maleeshiyada Macawisleyda ayaa dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, ee ka dagallanta guda Soomaaliya.