Baka (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Baku, Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan, Ali Asadov, oo diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ee mudnaanta leh.
Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan soo dhoweynta diirran, isaga oo muujiyay sida uu u tixgelinayo kaalinta Baku ee xoojinta xiriirka, carabkana ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hore-u-dhaqaajinta wax wadaag joogto oo faaiido u leh labada dal.
Dhankiisa, Ra’iisul wasaare Asadov ayaa caddeeyay in ay qiimo weyn ugu fadhido xoojinta xiriirka dalkiisu la leeyahay Soomaaliya, isaga oo carabaabay ku qanacsanaantiisa taageerro is-dhaafsiga labada dal ee fagaarayaasha caalamiga ee madallada ururrada adduunka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maal-gashiga, beeraha, adeegyada bulshada, tamarta cagaaran iyo mashaariicda bani’aadannimo.

Leave a Reply