Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay si loo horumariyo iskaashiga labada dhinac

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay si loo horumariyo iskaashiga labada dhinac

Qaahira ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan magaalada Qaahira kula yeeshay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, kulan kaas oo dhacay inta uu socdey Shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika, oo qabsoontay intii u dhexeysay 19-20 December. .

Labada dhinac ayaa kulanka diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga, iyadoo labada dhinacba adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi wax ku ool ah oo ka qayb qaata xasilloonida iyo horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, wuxuuna adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Qaahira, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhisidda awoodda hay’adaha. Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada heer gobol si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Dr. Abdelatty ayaa xusay horumarka wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna mar kale adkeeyay ballanqaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah. Wuxuu tilmaamay in dib-u-dejinta xarunta Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow iyo isku-duwid ka sii wanaagsan oo u dhexeysa labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladaha amniga ee gobolka, iyadoo Masar mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika, isla markaana adkeysay baahida loo qabo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo taageero Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo hubiyo waxtarkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.