Belgrade ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Seerbiya Bratislav Gašić kaasi oo ka dhacay magaalada Belgrade ee dalkaasi.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhanka militeriga loogana faa’ideysan lahaa fursadaha ka jira labada dal.
Inta uu kulanka socday wasiirka Fiqi, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay muhiimada ay lee dahay amniga iyo xasiloonida gobolka, waxa uuna tilmaamay dedaalka Soomaaliya uga jirto dagaalka kooxaha argagixisda iyo horumarinta nabadda.
Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhigga dalka Seerbiya, ayaa muujiyay sida Serbia ay diyaarka ugu tahay inay Soomaaliya ka taageerto xoojinta awooddeeda difaaca, Wuxuu tilmaamay in iskaashiga dhanka tababarada ciidamada, xog wadaagga, iyo taageerada saadka ay wax weyn ka tari karaan xiriirka labada dal.
Ugu dambeyn labada wasiir ayaa kawada hadlay suurtagalnimada in si wadajir ah loo sameeyo dhoolatus ciidan iyo cilmi baaris iskaashi oo dhanka tignoolajiyada difaaca ah.
Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaalada Soomaaliya uga jirto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sahaminta fursadaha iskaashi ee ay la yeelanayso saaxiibbada caalamka.

Leave a Reply