Soomaaliya oo Ku Guuleysatay Doorasho Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Soomaaliya oo Ku Guuleysatay Doorasho Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC)  inta u dhaxeeysa sanadka 2026–2028, taas oo muujineysa horumar diblomaasiyadeed oo ay gaartay Soomaaliya

Tallabadan ku soo noqoshadeeda Soomaaliya ee kaalinta ay ku lahayd saaxadda qaaradda iyo tan caalamkaba, ayaa loo arka mid cadeeyneysa sida ay dowladda uga go,an tahay in ay ka dhabeyso horumarka xiriirka caalamiga ah.

Dhanka kale doorashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka tarjumeyso kalsoonida iyo taageerada ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen.

“Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay musharaxnimadeeda. Taageeradan wadajirka ah waxay muujineysaa iskaashi xooggan iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika nabdoon, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.