Soomaaliya oo laga xusaayo Sanadguuradii 7-aad ee Qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Waxaa maanta ay ku beegan tahay sanadguuradii 7-aad ee ka soo wareegatay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxii October 14, 2017 ayaa dhacay kadib markii gaari xamuul ah uu ku qarxay isgooyska mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen 656 qof, 340 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana ku burburay hanti gaareysa 364 qof. Qaraxaas ayaa waxa ku agoontoobay ku dhawaad ​​1547 caruur Soomaaliyeed ah .

Qarixii Soobe ayaa sidoo kale raad ku reebay malaayiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo argagax iyo xanuun ku reebay qalbigooda mar alla markii ay xusuustaan ​​qaraxaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 14-ka October ay tahay maalin qaran oo lagu xasuusan doono dadkii ku dhintay weeraradii “argagixiso” ee taariikhdaas ka dhacay caasimadda.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhacdooyinkan ku eedeysay Al-Shabaab inkastoo Al-Shabaab aysan weli si rasmi ah u sheegan mas’uuliyadda falkaasi.

Khasaaraha ka dhashay qarixii 14-kii October ayaa si toos ah u saameeyay ilaa 2% shacabka Muqdisho, taasoo u dhiganta 25,000 oo qof oo ku nool magaalada caasimadda ah oo uu qaraxa si toos ah u saameeyay.

Qaraxan ayaa ka mid noqday qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca qaarada Afrika kaas oo loo adeegsaday walxaha qarxa. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, balse dowladda ayaa ku eedeysay kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa dad badan ay rumeysan yihiin in uu Soomaali u abuuray midnimo, wadaniyad iyo kacdoon bulsho oo u horseedi doona isbedel la mid ah kacdoonadii lagu guuleystay, kaasoo lagu xasuusto Kacdoonkii Nabiga ee ay hormuudka ka ahaayeen dhalinyarada. balse taasi bedelkeeda qaraxii Soobe wuxuu sababay niyad jab taasoo keentay in dhalinyaro badan ay go’aansadaan inay dalka ka tahriibaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.