Laascanood (Raxanreeb )- War ka soo baxay maamulka ugubka ah ee SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland ay wado saansaan colaad oo ay doonayso in markale uu dhaco dagaal dhiig badan sabab u noqda sida lagu yiri warka.
Waxa Somaliland ku eedayay warka ka soo baxay Khaatumo inay colaad sokeeye ka hurinayaan degaanada gobolka Sanaag, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeday SSC.
Warka kasoo baxay Khaatumo ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay ciidamo ku abaabulayso gobolka Sanaag, taasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay in colaad la galiyo gobolkaas sida uu maamulka SSC sheegay.
HOOS KA AKHRISO.
Leave a Reply