GAZA ( Raxanreeb ) Maalintii afaraad ayay gashay xabad joojinta ka dhaqan gashay marinka GAZA si Israa’iil iyo Falastiin ay isku dhaafsadaan maxaabiista ay kala haystaan ka dib maalmo halkaas dagaal uu ka socday.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in wali ay jiraan maxaabiis badan oo ay kala haystaan labada dhinac loona baahan yahay in la helo waqti dheeraad ah maadama ay dhamaatay mudadii loogu talagalay xabad joojinta.
Xamaas iyo Israa’iil ayaa labaduba waxa ay ka hadleen suurtagalnimada in loo baahan yahay in waqti dheeraad ah lagu daro xabad joojinta waxayna dhinacyadu ay soo bandhigeen sharuud haddii waqtiga la kordhinayo iyadoo ay muuqato natiijada la gaaray afartii maalin ee la soo dhaafay.
War ka soo baxay goor sii horeysay kooxda Xamaas ayaa lagu sheegay inay doonayaan in la kordhiyo xabbad-joojinta ka dib marka ay dhammaato muddada afarta maalmood ah, iyadoo loo marayo dadaallo dhab ah oo lagu kordhinayo tirada dadka laga sii daynayo.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Madaxweyne Biden suurtagalnimada in la kordhiyo xabbad joojinta lagula jiro Xamaas ee maxaabiista la isku dhaafsanayo.
labada dhinac ee Xamaas & Israa’iil ayaa is dhaafsaday maxaabiistii ugu badneed waxaana madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in muhiim ay tahay in heshiiska la ballaariyo si maxaabiis badan loo sii daayo.
Si kasbata waxaa muuqanaya in horumar laga sameeyay afartii maalin ee ay socotay xabad joojinta ay garwadeenka ka ahayd Dowladda Qatar.
Leave a Reply