Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo sir kashifay & culays haysta – Yaa ku lug leh ?

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo sir kashifay & culays haysta – Yaa ku lug leh ?

Garoowe (Raxanreeb ) Barlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa dib u dhigay ka doodista xeerka doorasho ee Qof iyo cod ee ay soo gudbisay xukuumadda Saciid Cabdullaaho Deni ka dib buuq badan oo arintaas ka dhalatay.

Muqaal si qarsoodi looga duubay Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayuu ku sheegay in inay soo waajahday xaalad Cabsi ah sabab la xariirta khilaafka ka taagan Doorashada Puntland.

”Nin Maskiin ah oo reer Sanaag ah baan ahay 80 gaari oo tikniko ah baa dushayda saaran, Mucaaradka haday i yimadaan way i kaxaysan karaan “

intaas waxa uu warkiisa ku daray  Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland in aan loo socon xubnaha mucaaaradka hase ahatee isaga uu dareemayo culays dhan kasta ah sidaa darteeda uu u arko caqabad soo wajahday.

“Nimankii shaqada gacanta ku hayay umaysan tagin [ Gudiga doorashooyinka PEC ] Madaxwtooyada aadi maayaan aniga kaliyay i arkaan”Ayuu ku yiri gudoomiyaha muqalaa qorsoon oo ay ka duubeen haween ku howlanaa xalinta khilaafka doorasho ee Puntland.

Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa bilaabay cadaadis xoogan oo la xiriira qabsoomida doorashada oo ay ku eedeyeem dib u dhaceeda Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Gudaha magaalada dhawaan waxaa laga saaray ciidamo fara badan oo hoggaaminayeen mucaaradka doorashada doonaya in waqtigeeda la qabto hase ahaatee markii dambe lagu guulaystay in banaanka magaalada looga saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.