Wadahadaladii Israa’iil  & Xamaas oo fashil ku dhow.

Wadahadaladii Israa’iil  & Xamaas oo fashil ku dhow.

GAZA (Raxanreeb )- Wadahadalladii u dhaxeeyay Israel iyo Ururka Xamaas ayaa ku dhow inuu burburo, kadib markii la isku mariwaayay sida ay wax u socdaan  oo aan ku qancin labada dhinac.

Israel ayaa ku dhawaaqday in ay ka go’an tahay in Xamaas ay kaga awood roonaato dagaalka, taas oo garabka kale ka careysiisay, xilli laga dhursugayay xabadjoojin 

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa  sheegay inuu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro Xamaas, isaga oo dhinaca kalena dhaleeceeyey qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo degdeg ah.

Netanyahu ayaa dalabaadka Xamaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhalanteed ah, isaga oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaadhayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista.

Source VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published.