Dagaal ciidanka dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray duleedka Xarardheere.

Dagaal ciidanka dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray duleedka Xarardheere.

Xarardheere (Raxanreeb )-  Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku dhaxmaray maanta duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalkan waxaa uu ka danbeeyay ka dib markii ciidanka Dowladda Soomaaliya weerar ay ku qaadeen fariisimo kooxda Al- Shabaab ay ku lahaayeen duleedka degmada Xarardheere.

Sida dadka deegaanka ay sheegayaan waxa la maqlayay daryanka hubka culus ee ay is waydaarsanayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya  iyo kooxda Al- Shabaab oo socday muddo saacadaha ah.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo laftiisu dagaalka ka qeyb qaatay ayaa sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Alshabaab, isla markaana ay halkaas ku laayeen tiro badan oo Shabaab ah.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan askar ciidanka dowladda kaga dhintay howlgalka. wuxuu tilmaamay in labada ciidan ay gacanta iskula tageen markii ay uu ku dhamaaday rasaastii ay ku dagalaameen.

Xaaladda  halka dagaalka uu ka dhacay ayaa hadda degan waxaana halkaas ku sugan ciidanka  Dowladda Soomaaliya oo ay ka wadaan howlgalo ay ku sugayaan amniga deegaanka.

Dhawr jeeer deegaano hoostaga degmada Xarardheere  ee Mudug waxa isku fara saaray , ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.