Minneapolis (Raxanreeb) FBI-da Maraykanka oo ayaa baadhaysa toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla Minneapolis oo ay ku dhinteen 2 caruur ah, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay dambi nacayb ka dhan ah Catholic-ga, sida ay sheegtay FBI-du.
“FBI-du waxay u baadhaysaa toogashadan oo ah fal argagixisanimo gudaha ah iyo dembi nacayb oo ka dhan ah Catholic-ga,” ayaa uu yiri Agaasimaha FBI-da Kash Patel oo qoraal uu soo dhigay barta X.
Labada carruurta ah ee dhintay ayaa da’doodu kala ahayd 8 iyo 10 jir, waxaanay geeriyoodeen markii uu ninka weerarka soo qaaday uu rasaas kaga furay daaqadaha Kaniisad ku taalla magaaladaasi, Subaxnimadii Arbacada xilli ay carruurtu dabaaldegyo samaynayeen.
Ninka weerarka geystay oo ku dhintay isla goobta ayaa sheegaya in uu is dilay, ayaa mar dambe booliisku waxay magaciisa ku sheegeen Robin Westman oo 23 jir ah.
Booliisku waxay heleen qoraal la muddeeyay oo ah in Westman uu ku daabacay internetka xilliga toogashada.
Badhasaabka Tim Walz ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump iyo kooxdiisu ay muujiyeen “tacsi mug weyn” oo muujinaysa sida ay uga xun yihiin, islamarkaana ay gargaar u fidiyeen.
Waxa uu sheegay in xaaladdu ay tahay “hadda mid caadi ah, isaga oo intaa ku daray in uu rajaynayo in tan oo kale aanay dhici doonin mustaqablaka.
Trump ayaa markii dambe sheegay in calanka Mareykanka ee sudhan Aqalka Cad hoos loo dhigi doono si murugada loo la qaybsado dhibbanayaasha.

Leave a Reply