Wararkii ugu dambeeyey dil ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay meel aan ka fogeyn xerada daraawiishta, waxaana marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Aadan Axmed Khaliif, waxaana dhalay Wiilka Agaasimahii hore ee Isbitaalka Baladweyne Dr Axmed Maxamed Khaliif.

Ehelada aadan ayaa Sheegay in aan si dhab ah loo Ogeeyn Sababta ka dambeeysay Dilka Wiilkooda, waxaana wali meeydkiisa uu yaala Magaalada.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Rasaas dad lagu kala Celinayay uu Wiilka ku dhintayhHalka Kuwa kalena ay Sheegayaan in Marxuunka iyo Qofka dilka geeystay ay Xurguf Hore ka dhaxeeysay.

Ninka dilka geeystay ayaa goobta ka baxsaday Waxaana Marxuunka lagu wadaa in Maalinta Bire ah Lagu aaso Magaalada Sida Ehadiisa ay Hiiraanweyn usheegeyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.