WARCUSB : Ciidanka DANAB & Macwiislay oo ku dagaalamay Sh. Dhexe.

WARCUSB : Ciidanka DANAB & Macwiislay oo ku dagaalamay Sh. Dhexe.

Jowhar (Raxanreeb )- Faahfaahin dheeraad  ayaa ka soo baxaya , dagaal ciidanka gaarka ah ee DANAB iyo  Macwiislayda kaaliya ciidanka dowladda ku dhaxmaray deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa  in xoogiisa  uu dhacay  deegaanka Ceelbaraf sida ay  sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugan oo u waramay Raxanreeb.

Dagaalkan ayaa salka ku haya ka dib markii khilaaf uu soo kala dhaxgalay ciidanka DANAB iyo kooxda  Macwiislayda ee  howlgalada ka wada deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka dhexmaray labada dhinac uu ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmi ah ee khasaaaraha jira.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Ceel-baraf Abuukar Axmed Cabdulle ayaa sheegay in ciidan hubeysan oo ku lebisnaa dareeska ciidanka xoogga oo watay gaari ay jidka u galeen ciidanka DANAB.

Abuukar ayaa sheegay in ciidamo watay gawaari shacab, afkana u duuban yahay ay soo galeen gudaha magaalada, kadibna ay dhibaato xoogan ka gaysteen, sida uu hadalka u dhigay.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka xoogga oo ay uga hadlayaan dagaalkii xalay degmada Ceel-baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmaray ciidanka DANAB iyo kuwa hubeysnaa ee macwiisleyda ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.