WARCUSUB : Garoowe ”guntaha” la iskula jiraa , arrimaha doorashooyinka.

WARCUSUB : Garoowe ”guntaha” la iskula jiraa , arrimaha doorashooyinka.

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe waxaa ka jira is jiid jiid siyaasadeed oo ka dhashay tirada xildhibaanada ka qayb galaya doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ka dib go’aankii ka soo baxay , maamulka SSC- Khaatumo.

Musharaxiinta mucaaradka ah ee Puntland iyo saciid Deni oo isagana musharax madaxwayne ah  ayaa markale waxa soo gala dhax galay tuhun ku saabsan hanaanka loo galayo doorashada.

Isimada iyo musharaxiintuba waxa ay sheegeen in doorashada sanadkan lagu gali doono 46 xildhibaan oo laga soo xulayo deegaanada Puntland halka Saciid Deni  uu  ka hor  yimid go’aankaas.

Khilaafka ugu xoogan waxa uu ka taagan yahay 17 xildhibaan oo la sheegayo in Saciid Deni uu isaga soo xushay , taas oo keentay in shaki badan oo laga qabo in doorashadu ay ku dhacdo si hufan.

Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka oo uu fara gelin xooggan ku hayo Siciid Deni ayaa ugu danbayn isku raacay in ay galabta ku dhawaaqaan liiska 66-da Baarlamanka cusub.

Dhankooda musharrixiinta Mucaaridka ayaa wada dhaq dhaqaaqyo iyo diyaar- garow inkastoo aan la ogayn tallaabada xigta ee ay qaadayaan , waxaana jira in guntadaha la iskula jiro.

Waxaa soo baxaya markasta khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee musharax ah iyo xubnaha  Ololaha jira ee ku sugan magaalada Garoowe ee Puntland.

Lama oga halka  uu ku danbeyn doono khilaafkan joogta ah eek a jira doorashooyinka maamul goboleedka Puntland oo in mudda ah soo jiitamayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.