Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo ay ka socdaan olole doorasho ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in halkaas lagu beegsaday mid ka mid ah musharaxiinta madaxtinimada maamulkaas.
musharax madaxweyne Mudane Cabdifitaax Fafdhaal oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa sheegaya in weerar lagu soo qaaday isaga iyo xubnihiisa oo ku sii jeeday gudaha magaalada Garoowe .
waxa uu xusay musharaxaan in talaabadan ay ahayd mid ula kac ah oo lagu doonayay in isaga lagu waxyeeleeyo isaga oo ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo wixii dhacay.
Musharax Fandhaal ayaa ku eedeeyay maamulka Deni in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday, waxa uuna sheegay in Deni iyo kooxdiisa aysan rabin in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo.
Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka loo weeraray uu ahaa in lakala dhantaalo ololihiisa doorashada, waxa uuna cadeeyay in ammarka lagu weeraray in uu kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Ilaa iyo hada laamaha amniga maamulka Puntland wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weerarkan uu sheegay musharaxan in lagu soo qaaday isla markaana loo dan lahaa in lagu waxyeeleeyo.
Magaalooyinka maamul goboleedka Puntland waxaa in mudda ahba ka socda Ololaha doorashada madaxtunimada maamulkaas , waxaana jira dhaliilo badan oo loo jeedinayo sida hada ay wax u socdaan.
Leave a Reply