WARCUSUB : Khaatumo oo laga reebay cayaaraha maamul goboleedyada – yaa leh amarkaas ?

WARCUSUB : Khaatumo oo laga reebay cayaaraha maamul goboleedyada – yaa leh amarkaas ?

Raxanreen (Muqdisho ) Tartanka Kubada Cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa laga reebay xulka Kubada Cagta ee ku ciyaarta magaca SSC Khaatumo .

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee XFS ayaa gaartay Go’aanka Tartanka looga reebay Maamulka Khaatumo maadaama iyadu ay qaban qaabiso.

Wali ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xiriirka iyo Wasaaradda. Lakin warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in S.S.C tartanka laga reebay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan maamul goboleed KMG ah u aqoonsatay SSC – Khaatumo oo dagaal la gashay Somaliland.

Maalmo ka horna waxaa soo baxayay warar la xiriira in Dowladda Federaalka ee Xasan Sheekh Maxamuud culays ay kala kulantay xildhibaanada Somaliland ku matala Golaha shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.