WARCUSUB : Khasaare xooggan oo ka dhashay dagaal ka dhacay Galmudug.

WARCUSUB : Khasaare xooggan oo ka dhashay dagaal ka dhacay Galmudug.

Dhuusmareeb (Raxanreeb )- Dagaal culus ayaa ka dhacay maanta oo Sabti ah  deegaanka Ceel-Barafaange ee gobolka Galgaduud,waxaana uu u dhaxeeyaa dadka deegaanka iyo maleeshiyaad garab ka helaya ururka As.

Isgaarsiinta ayaa hawada laga jaray inta uusan dagaalku bilaaban waxaana sidoo kale la maqlayaa hubka nuuciisa culus oo deegaanada fog fog laga soo warinayo.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, kuwaas oo kamid ah maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamay.

Ma jiro wax war  ah oo kasoo baxay saraakiisha maamulka Galmudug, kuna aadan dagaalkaas khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Ceel-barafaange ee bariga gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay in labada dhinac ay heleen gurmad saacadihii ugu dambeeyay gaaray deegaanka lagu dagaalamayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.