WARCUSUB : Weerar TOOS ah oo koox hubaysan ay ka gaysteen  Muqdisho

WARCUSUB : Weerar TOOS ah oo koox hubaysan ay ka gaysteen  Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) koox hubaysan oo watay mooto Bajaaj ayaa bambaanooyin qaraxyo ah ku weeraray gurigii hore ee Marxuum Maxamed Dheere oo ku yaalla D/Shangaani.

Dad ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa RBC u sheegay in muddo kooban ay socotay weerarka bambaano ee kooxahan ay ku qaadeen degmada Shangaani.

Halka ay wax ka dhaceen waxa aan sidaas uga fogayn sidoo kale xarunta Hay’adda nabad sugida ee NISA waxa sidoo kale goobta ka dhaw ciidamo ka tirsan Dowladda.

Saraakiisha Dowladda ma aysan ka hadlin weerarkan caawa kooxahan hubaysan ay ku qaadeen goob muhiim ah oo taala magaalada Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka jiray falal amni darro waxaana dhawr jeer sidan oo kale weeraro ay uga dhaceen meelo ka mid ah caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.