Muqdisho (Raxanreen online) – Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada ee DF ayaa soo saartay amar lagu socodsiiyay dhammaan loo shaqeeyayaasha inay goobahooda shaqada iyo shaqaalaha iney si rasmi ah isaga soo diiwaangeliyaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in isdiwaangelinta aysan aheyn wax lacag ah marka laga reebo shahaadada badqabka caafimaadka iyo goobaha shaqada, shahaadadan waa mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu hubiyo Badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda.
War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa uqornaa sida tan:
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhammaan loo shaqeeyayaasha inay goobahooda shaqada iyo shaqaalaha si rasmi ah ay uga diiwaangeliyan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, diiwaangelintuna waa mid ππ’π₯πππ¬π‘ ππ‘ π¨π¨ πππ§ ππ‘ππ²π§ π₯ππππ , marka laga reebo shahaadada badqabka caafimaadka iyo goobaha shaqada. Shahaadadan waa mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu hubiyo Badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada, waxaa sidoo kale muhiim ah in la dhaqan-geliyo habraaca badqabka iyo caafimaadka kaas oo ku xusan sharciga dhaqangalka ah ee Xeerka Shaqada (ππ¨π¦ππ₯π’ ππππ¨π« ππ¨ππ)”
“waxaa la caddeynayaa in aysan jirin π°ππ± π₯ππππ ππ‘ π¨π¨ π€π‘ππ¬ππ ππ‘ oo ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kusoo rogayso ganacsatada iyo shaqaalaha. Habkan diiwaangelinta waxa uu muhiimad gaar ah siinayaa ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, horumarinta kobaca dhaqaale, iyo abuurista jawi shaqo oo nabdoon, sharciyeysan, islamarkaana suurtagelinaya in shaqaalaha Soomaaliyeed ay si sharaf leh ugu shaqeeyaan goobo badbaado leh”
Leave a Reply