Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Cali Ciid oo shaqada laga cayriyay

Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Cali Ciid oo shaqada laga cayriyay

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaqada ka joojiyay wasiir ka tirsanaa xukuumadda Cali Cali

Wasiirka shaqada laga joojiyay ayaa ahaa wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada maamulkaasi, Cabdirisaaq Maxamed Maxamud   ,lamana oga sababta taas keentay.

Xukuumada Cali Ciid wax war ah ma aysan ka soo saarin warka ku saabsan in wasiir xukuumadiisa ka tirsan uu shaqada laga joojiyo.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilkan si KMG ah usii heyn doono wasiiru-dowlaha wasaaraddaasi, Liibaan Cabdi Maxamed.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa dhawaan  xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdi Waayeel taas oo dhalisay khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay isaga iyo (Qoor-Qoor).

Lama oga in talaabadan ay keeni karto markale in khikaaf ay ku keento Madaxwaynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo marar badan isku qabto arrimo ku saabsan xil ka qaadis iyo awoodaha sharci.

Leave a Reply

Your email address will not be published.