Muqdisho (Raxanreeb ) AUN waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Cabdifataax Qays oo ahaa Agaasimihii Somali Cable ee fadhigiisu yahay Muqdisho .
Sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo saaxibadiis wuxuu ku sugnaa maqaayadda uu qaraxa ka dhacay gudaheeda.
Waxaa sidoo kale qaraxaas ku dhintay dhowr qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale oo lagu qaaday gaadiidka Ambalaasta, kuwaasoo ula cararay goobaha Caafimaadka.
Wararka ayaa sheegaya in qof waxyaabaha qarxa soo xirtay uu isku qarxiyey dad fadhiyey banaanka maqaayada oo halkaas isaga fiidsanayey.
Dhamaan bahda saxaafada oo ay ku jiraan maamulka Raxanreeb ayaa tacsi ka diray geerida Agaasimaha TV-ga Somali Cable AUN Qays.
Leave a Reply