Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay magaalada New York

New York ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso ayaa Soomaaliya sanadkaan uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka maanta uga hadashay guullaha iyo hormarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo ay ugu horeysay dhismaha guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, in Soomaaliya ay dib ulasoo laabatay madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka iyo Hormarinta Haweenka.

Inta Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo wafdigeeda ay ku sugan yihiin magaalada New York waxaa kulammo kala duwan ay la qaadan madaxda shirkan kasoo qeybgashay qaarkood ayadoo sidoo kalena ay Wasiiraddu ay khudbado ka jeedin doonto shirar kale oo berri ka dhici doona isla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.