Xamse ” Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn doono maamul ay shacabka Soomaaliyeed Soo doortaan”

Muqdisho (Raxanreeb online) – Reysal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo caawa ka qeyb galay xaflada bandhigga maamulka gobolka Banaadir labadii sanno ee lasoo dhaafaya ayaa khudbad uu kajeediyay ku sheegay in doorashooyinka dalka ka dhici doono ee qof iyo codka ah  ugu horeyn doono maamulka gobolka Banaadir, shacabka Soomaaliyeedka ugu baaqay in ay udiyaar garoobaan doorashada maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Xamse ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu labadii sanno ee tagtay uu maamulka gobolka Banaadir uu ka shaqeeyay horumarka kaabayaasha dhaqaalaha dalka, ammniga iyo adeega bulshada.

Dhanka kale, waxa uu xusay in xukuumadda Dan Qaran ay ku howlantahay sidii ay uga shaqeyn laheyd maamul ay bulshada caasimadda soo doortan, si ay tusaale ugu noqdaan sidii ay maamulada kale ee dalka hoggaankooda ay iyagu usoo dooran lahaayeen.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dib usoo celiyay bilicdii caasimadda, si caasimaddu ula tartanto caasimadaha kale ee dhiggeeda ah.

Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah waqtigan lajoogo dalku doorasho qof iyo cod ah maka dhici kartaa, iyadoo shirkiii golaha wadatashiga Qaranka lagu kala tagaya, ayna ka maqanyihiin maamulada Puntland, Jubbaland iyo SSC-Khaatumo?.

Sikastaba, hadalka Xamse ayaa imaanaya xili shirkii golaha wadatishiga Qaranka uu kusoo dhamaaday Isfaham la’aan siyaasadeed kaddib markii, maamulka Jubbaland ay shirka isaga baxday, iyadoo lagu kala aragti duwanaaday nooca doorasho ee xiligan dalka ka dhici karta, isla markaana maamulada qaar ay ka idlaatay muddo xileedkooda sharciga ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.