Xaqiiqooyinka ku hareeraysan Xasan Sheekh & Ficilada Itoobiya.

Xaqiiqooyinka ku hareeraysan Xasan Sheekh & Ficilada Itoobiya.

Muqdisho (Raxanreeb ) Itoobiya  oo Somaliland kala macaamiishay heshiis is-afgarad dhanka Badda ah ayaa keentay caro xooggan oo sabab u noqday inuu  magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo isla markaana madaxda dalka ay  jeediyaan  hadalo carro leh oo ka dhan ah  Itoobiya.

Madaxwaynaha  Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal jeediyay ayaa  yiri ‘’Ilaa hadda ficil ma aysan qaadin, ee markeey wax sameeyaan ayaan ka daba sameyn doonaa’’.

‘’Haddii ay qaadaan hal talaabo anigana waxaan qaadaynayaa laba , talaabo ,ilaa seddax talaabo ‘’ ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan oo Madaxwaynaha uu ka jeediyay  masjid ku yaala  Villa Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray , iyadoo la bar bardhigayo ficilada Itoobiya iyo hadalada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Mohamuud.

DIB  aan  u eegno  inta talaabo ee ay qaatay  Itoobiya tan iyo markii  ay la macamiishay Somaliland  ,taas   oo loo arkay  xad gudub Itoobiya ay ku samaynayso madax banaanida  Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Itoobiya  ayaa heshiiskaas  oo Barlamaanka Soomaaliya uu buriyay ka  dib waxa ay casuumad rasmi ah u samaysay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  taas oo loo fasirtay in Itoobiya ay ku adkaysanayo in heshiiskaas uu  sax yahay inay kala  tacaamusho Somaliland.

Sidoo  kale  markale ayay Itoobiya  waxa ay dalkeeda  ku casuuntay Taliyihii ciidanka Somaliland  waxaana baraha bulshada qabsaday sawirada heerka  soo dhawaynta Itoobiya ay sameysay Taliyaha waa talaabo kale oo muujinayso ficil kale oo Itoobiya ay qaatay.

Waxyaabaha  kale  ee  muujinaya in Ethiopian Airline Muqdisho ay keentay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya  oo labo maalmood oo nasasho ah ku soo qaatay Addis Ababa  taasna waxay keentay  shaki kale oo la xiriirta  fara galinta sii socoto ee Itoobiya iyo talaabooyinka ay qaaday.

Arrimahan  dhamaantooda  ayaa muujinaya in ay yihiin xaqiiqooyinka ku hareeraysay madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana arrimahan ka dhalanaya maxay ahayd in Dowladda Xasan Sheekh ay qaado.

In   rasmi ah dalka looga eryo safiirka hadda soo laabtay ,in gabi  ahaanba la  joojiyo xiriirka ganacsiga, sida, diyaarada,  Qaadka baradha iyo basasha.

Falanqeyayaashu  waxay  leeyihiin waa xaqiiqo ay ka baaqsaday Dowladda Federaalkaah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud , waxase la sugayaa waxa xiga doona xaqiiqooyinkan  jira ee loo baahan yahay in daaha laga rogo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.