Xiisadda dagaal oo u dhaxeeyso laba maleeshiyo Beeleed ayaa saaka ka taagan degaanka Laan Buraale oo u dhow Balli-dhiig oo u dhow xad beenaadka Galgaduud iyo Dowlad degaanka Soomaalida ee Gobolka Qoraxeey.
Shalay halkaasi ayaa waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkaas ku geeriyooday laba Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira shacab iyo dadkii dagaalamay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dhinacyada dagaalamay ay maleeshiyaad badan keeneen degaanka Laan Buraale, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in dushooda lagu dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xiisadu ay weli kacsan tahay, isla markaana dadka qaarkood ay barakacayaan.
Leave a Reply