Xiisadda udhexeyso DF & Jubbaland oo gaartay qaar kamid ah dalalka Dariska ah,

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa maraya meshii ugu dambeysay, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.

Sidoo kale, Xiisaddan siyaasadeed ayaa haatan gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in wafdi ka socdo dowladda federaalka ay sacad ka hor u ambabexeen dalka Kenya gaar ahaan Caasimadda dalkaasi ee Nairobi, wafdigan ayaa lafilayaa in dowladda ay kala hadli doonaan xiisada udhexeyso Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

Socdaalka wafdigan ka socda dowladda federaalka ayaa lasoo warinaayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageerada xukuumadda Nairobi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay.

Dowladda Kenya ayaa ka gaabsatay xiisadda siyaasadee ee kasoo korortay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Dowladda Kenya ayaa kal hore isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac ee is haya, laakiin waxba kama soo bixin, waxaana taasi beddalkeeda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa iyana dhankeeda soo faragelisay xiisaddan udhexeyso Jubbaland iyo Villa Somalia, kadib markii ciidamadeeda dhaq-dhaqaaqyo ay ku tageerayaan Jubbaland ka bilaabeen gobolka Gedo.

Ugudambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kalana ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.