Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay ilo wareedyo inoo shegeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa diyaariyey mooshin ay kaga horjeedaan lacago sharci-darro ah oo lagu soo daray miisaaniyadda dowladda, kuwaas oo lagu sheegay in deyn ahaan looga qaadan doono Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in deyntaasi si khaldan loogu wareejiyay ama loogu caleemayay Hay’adda SODMA iyo Bangiga Horumarinta, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid aan sharci waafaqsanayn isla markaana culays dhaqaale saaraysa dalka.
Mooshinka ayaa la filayaa in berri la horgeeyo Baarlamaanka, si looga doodo loona go’aan gaaro.
Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply