XOG : Axmed Madoobe oo culays kala kulmay Kenya & Ciidan isku aruursanaya Jubbaland.

XOG : Axmed Madoobe oo culays kala kulmay Kenya & Ciidan isku aruursanaya Jubbaland.

Kismaayo (Raxanreeb ) – Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan la qaatay Golaha Wakiilada maamulkaasi kaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta uu kulanka socday ayaa loga hadlay xaalada maamulka waxaana laga sheegay in Ilaa bisha 8 aad la qiimeyn doono in ay qabsooni karto doorasho.

Ilo xog – ogaal ah ayaa sheegay in Madaxwaynaha Jubbaland uu kulanka ka sheegay inuu jiro culas uu kala kulmayo dhanka Kenya.

Waxa jira ayaa la leeyahay siyaasiyiin xaduudaha ciidamo loogu tabarayo si ay u hajuumaan haddii la isku dayo in Axmed Madoobe dib isu doorto balse uu iska difaaci doo sida uu yiri.

Dhowrkii maalin ee la soo dhaafay ayaa magaalada laga Kismaayo laga dajiyay ciidamo ka tirsan DF kuwaas oo gaarayo 1500 askari oo qeyb ka ha howalgalka xoreynta Shabaab ee wajiga labaad.

Warar horudhac ah oo ay helayso Raxanreen ayaa sheegaya in ay jiri karto Isku shaandheyn laga yaabo xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Cafimaadka inay ku baxaan .

Xiligii ugu adkaa Maamulka Axmed ayuu marayaa marka loo fiiiriyo soyaalkiisa taarikheeda dhaqaalo ahaan, Amni ahaan iyo dagaalada kaga furan wadamadda dariska walibo Kenya oo gabaad u ahayd waqti hore ayay leeyihiin Falanqeyayaasha.

Raxanreeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published.