Muqdisho (Raxanreeb) Sida Raxanreeb ay baahisay maalin ka hor xafiisyada Madaxwaynaha & Ra’iisulwasaaraha ayaa ku howlan sidii loo kala jabin lahaa mudanayaal ka tirsan Barlamaanka kuwaas oo diidan in wax laga bedelo Dastuurka.
Kulamo daba socda kuwaas ayaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare la qaaday xildhibaano ka tirsan Barlamaanka kuwaas oo gabi ahaanba diidan wax ka bedelka Dastuurka ee waqtigan.
Dood dhex-martay Ra’iil Wasaare Xamse iyo Xildhibaanada labada gole ee beesha Daarood, kaddibna Madaxweynaha lagu cadaadiyey qodobadii wax ka bedelka dastuurka.
Sida wararka aan helayno ay sheegayaan dooda Ra’iisulwasaaraha iyo xildhibaanada ayaa la iska ogolaaday dhawr qodob in ay tahay in madaxwaynaha Somaaliya uu ka tanasuulo .
Qodobada sida horu dhaca aan u helnay ee Madaxwaynaha laga dhaadhiciyay waxaa ka mid ah : –
1 – Nidaamka dowliga ah waa baarlamaani- doorasho dadweyne ku imaanaya
2- Waa baarlaami . Ra’iisul Wasaarihihii waa joogaa oo waa laga laabtay nidaamkii Madaxtooyo
3- Awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa sidii hore balse waxaa looga doodi doonaa cutubtada 7aad iyo 8aad! Wali hadda lama go’aamin
4- Xisbiyada dalka waxaa laga dhigay 3 halka uu Madaxweynaha hore ugu dhaganaa 2.
Wali se dooddu waa socotaa, waxa ayna ku kooban tahay kooxda uu Madaxweynaha hoggaaminayo ee riixeysa halka saamileydii kale iyo Puntland aysan qeyb ka ahayn.
Dabacsanaanta uu madaxweynuhu kamuujiyay qodobada Dastuurka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay sii xoogeysanyaan cadaadiska gudaha iyo midka caalamkaba ee uu wajahayo madaxweynuhu.
Leave a Reply