Siyaasi da’yar oo maxbuus ahaa oo madaxwayne ka noqday Senegal.

Siyaasi da’yar oo maxbuus ahaa oo madaxwayne ka noqday Senegal.

Dakar (Raxanreeb )- Toban maalmood ka hor doorashada madaxweynaha, oo ku beegan 14 maarso, Bassirou Diomaye Faye waxa uu ahaa maxbuus ku xiran xabsiga Cap Manuel ee ku yaalla duleedka koonfureed ee Magaalada Dakar.

Laakiin talaadadii oo bishu ahayd 25 ka Maarso maalin ka dib doorashadii wadanka oo kusoo  dhammaatay xaalad aan la saadaalin karin oo ay ka muuqato qalalaase siyaasadeed, mid dowladeed, iyo olole doorasho oo hillaac ah waxa uu noqday Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee Taariikhda Senegal. Ninkii maxbuuska ahaa hadda waa nin xor ah oo diyaar u ah inuu deggo aqalka madaxtooyada Senegal shanta sano ee soo socota.

Bishii April 2023, ayaa la xidhay Faye isaga oo lagu soo oogay fidinta warar been abuur ah, ku xadgudub hay’adda sharciga qoraal uusoo dhigay bartiisa. Balse waxaa uun lasoo daayay toddobaad ka hor doorashada dalka, waxuuna noqonayaa madaxweynaha dooran ee dalka.

Faye waa Muslim ku dhaqma diinta islaamka oo qaba laba xaas. Marka la eego ku dhawaaqistiisii madaxnimo ee hantida uu haysto, waxaa uu guri ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Dakar. Waxa kale oo uu leeyahay dhul ka baxsan caasimadda iyo magaaladii uu ku dhashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.