Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday halkaas, iyadoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay shilkaasi. Diyaaradda, oo la sheegay inay ka timid Dhoobley, ayaa la sheegay inay ku burburtay meel u dhow deegaanka Jasiira. Maamulka deegaanka iyo goobjoogayaal...
Day: March 22, 2025
Qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar kala duwan ayaa kasoo baxay khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo maanta ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa Ex Kontorol Afgooye iyo Haanta Dheere ee Muqdisho. Inta la xaqiijiyay...
Dagaal khasaare gaystay oo maanta ka dhacay GAROOWE.
Garoowe (Raxanreeb )- Wararka Raxanreeb ay ka helayso magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta oo sabti ah halkaas uu ka dhacay iska hor imaad khasaare gaystay. Iska hor imaadkan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaxmaray labo ciidan oo ka wada tirsan Puntland kuwaas oo kala ah ciidanka Booliiska iyo ciidan ku...
Ciidamada amniga Baardheere oo toogtay nin doonayay in dil uu ka geysto magaalada
Baardheere ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidanka ammaanka ee degmada Baardheere, ay xalay ku dileen in la sheegay inuu katirsanaa kooxda Al-shabaab, oo doonayay in gudaha magaalada uu dil ka geysto. Ninka ayaa la sheegay iuu ku hubeysnaa Bastoolad, waxaana is rasaaseeyn dhex martay asiga iyo ciidanka amniga ay markii...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo odayaasha degmada Cadale kala hadlay dardar gelinta dagaalka
Cadale ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wali kulamo kala duwan ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah xalay waxa uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulanka inta uu socday ayaa madaxweynaha iyo odeyaasha waxa ay isla meel dhigeen in...