36090

 Jabuuti (Raxanreeb online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Mukhudiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goor dhoweyd booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiirka Gaashaandhigga, iyo madaxda ugu sareysa ciidamada, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga gobolka iyo howlgalka Midowga Afrika ee dhowaan bilaabanaya sanadka 2025-ka.

“Booqashadii rasmiga ahayd ee aanu ku tagnay dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti waxa ay ku soo dhamaatay si guul ah. Waxaan ka wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee billaabaya sanadka 2025-ka, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Mukhudiin iyo wufuud kale” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa howlgalka ATMIS ee socda, waxaana ay daneynayaan in ay ka qeyb qaataan howlgalka AUSSOM ee soo socda, kaasoo la qorsheeyay in uu bilowdo sanadka 2025-ka.

Dhowaan ayay ahayd markii madaxda Soomaalida ay booqasho ku tageen dalal dhowr ah oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya marka laga reebo Itoobiya si ay ugala hadlaan qorshaha howlgalka cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.