Xogta kulanka caawa ee u dhaxeeya MD Xasan Sheekh & Guddiga joogta ee Golaha Shacabka.

Muqdisho ( Raxanreeb ) waxaa caawa isha lagu wada hayaa kulanka u dhaxeeya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxanuud iyo Guddiga joogtada ah ee Barlamaanka Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaan doono sida xogta aan ku helnay Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Kulankan ayaa daba socda mooshino dhowr ah oo la qoray maalmihii la soo dhaafay iyo dooddii ammaanka iyo xasaanada Xildlhibaanada ee hareysay kulankii shalay.

Gudoonka baarlaamanka iyo gudiyada joogtada ah ayaa aqbalay kulankan oo ka dhacaya aqalka madaxtooyada, iyadoo kulanka uu noqonayo mid casho ah, sida xogaha ay tilmaamayaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la soo hadal qaadi doono xubnaha Guddiga joogta ah ee Golaha shacabka arrimo ay ka mid yihiin ammaanka dalka , howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab & buuqii shalay ka dhacay xarunta Golaha shacabka.

Sidoo kale waxaa la xaqiijinayaa in lagu soo hadal qaadi doono weerarkii dhawaan kooxda Al- Shabaab ay ku soo qaaday Hotelka Villa Rose ee kaabiga ku haya Aqalka Madaxtooyada soomaaliya iyo halka uu marayo baaritaanada horudhaca ah ee ilaa iyo hadda la sameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.