Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay waddamo ay Soomaaliya ku jirto inuu deeq siinayo

Kyiv (Raxanreeb) — Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay gacansiinta waddamada Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya & Yemen oo xaalado bani aadamnimo ay ka jiraan.

Waxa uu sheegay Dekedda Doraleh ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku xirtay Markab wada gargaar bani aadamnimo gaar ahaan Qamadi dhan 25,000 Metric Tons si loogu caawiyo qoysaska ku dhibaateysan Itoobiya.

Zelenskyy ayaa tilmaamay in kaalmadaas ay ku baxeyso $150 Milyan oo Doollar oo ah deeq si gaar ah loogu talagalay waddamada Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya & Yemen.

Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo socda 2023ka waxa aan gaarsiineynaa gargaarka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cunno la’aan ee dunida ka taagan” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Leave a Reply

Your email address will not be published.