“Lacagta laga dhaco Kenya waa in gudaha dalka lagu maalgeliyaa”

“Lacagta laga dhaco Kenya waa in gudaha dalka lagu maalgeliyaa”

Nairobi (Raxanreeb) — Shacabka Kenya ee la sheegay inay ku takrifalaan hantida dadweynaha ayaa loogu baaqay inay dalka ku maalgeliyaan lacagta ay xadaan baddalkii ay geysan lahaayeen dalalka dibadda, sida ay sheegtay hantidhawraha guud ee Kenya, Nancy Gathungu.

Waxay sheegtay in haddii dalka lagu maalgeliyo lacagaha sida sharci darrada ah isaga goosha dalka ay ka qeyb qaadan karaan horumarka.

Bangiga Adduunka ayaa ku qiyaasay lacag gaareysa $2.6bn in dadka ugu sarreeya ee xukunka haya inay dhigteen bagiyo ku yaalla dalka dibaddiisa kuwaasoo ka macaashay hantida dadweynaha, sida lagu xusay warbixin uu soo saaray bangiga sanadkii 2020-ka.

Arrintani ayaa hadal heyn badan ka dhex dhalisay baraha bulshada, dadka qaar waxay ku tilmaameen hanti dhowraha inay la socoto arrimaha waaqiciga ah halka qaarkoodna ay sheegeen in la is-dhiibay marka ay timaaddo ka maamulka hantida dadweynaha.

Xafiiska hantidhawraha Kenya waa mid madaxbanaan isla markaana la socda maamulka iyo isticmaalka kheyraadka dadweynaha.