Golaha Aqalka Sare oo meelmariyay Sharciga Hay’adda NISA

Muqdisho (Raxanreeb ) Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa meelmariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

Kulan maanta oo Arbaca ah ay ku yeesheen magaaalada Muqdisho xubnaha aqalka sare ayay cod gacan taag ah ku meelmariyeen sharcigan oo ka soo gudbay Golaha shacabka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay kulanka Aqalka Sare ayaa Golaha uga mahadceliyay meel-marinta Sharcigaan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa  shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad ee lagu meelmariyay sharicigan.

Dood dheer ka dib  iyo soo jeedin sharciga Sanatarrada qaar ay ka qabeen ka qabeen sharcigan  ayaa la  gudagalay ansixinta sharciga NISA.

31-Sanatar ayaa ogolaaday meelmarinta sharciga, saddex Sanatar ayaa diiday halka uu ka aamusay hal Senator, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim.

Si kastaba, 53 sano ka dib waxaa Sharcigan lagu soo dabaalay Hayada NISA. Hey’adda NISA waxay hadda ku biireysa Ciidanka iyo laamaha Amaniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, islamarkaasna in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan

Leave a Reply

Your email address will not be published.