Howlgalo ka socda Hirshabeelle  iyo dagaalo ka dhacay halkaas.

Howlgalo ka socda Hirshabeelle  iyo dagaalo ka dhacay halkaas.

Beledwayne  (Raxanreeb) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo ka dhan kooxda Al Shabaab ka wadda degaano iyo degmooyinka ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka , waxa ay isku fidiyeen Aaga Ceelbacad iyo Ruunirgood halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay Shabaab soo saareen culeysyo dhanka Amniga ah.

Wararka sidoo kale naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Ceeldheer iyo Mesagawey ayaa iyana isku fidiyay dhulka hoodka ah ee Galgaduud sida Shan-dhagood, saqiir abuur, Macalin abuukar iyo dhanka Xuseen Cagey.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heegan galiyay dhammaan ciidamada XDS, waxaana qorshuhu yahay in la isku furo Magaalooyinka Galcad, Ceelbuur iyo Galhareeri, waxaana barbar soconaya diyaarinta dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.