Muqdisho (Raxanreb )-Magaalada Muqdisho waxa lagu wadaa inuu ka furmo shirka madasha wadatshiga Qaran oo marar badan uu dib u dhac ku yimid sabab la xiriirta khilaafka jira.
Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray xubno ka mid ah hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dalka sida Madaxwaynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
Shirka madasha Qaran ayaa dib u dhac ku yimid marar badan ka dib markii khilaaf uu soo dhaxgalay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha qaar sida madaxwaynaha Jubbaland.
Waxaa lagu soo hadal qaadi doonaa shirkan haddii uu furmo arrimo ay ka mid yihiin wax ka bedelka Dastuurka iyo doorashooyinka dalka si gaar ahaan doorashooyinka maamul goboleedyada.
Shirkan ayaa la sheegayaa xogaha la helayo in dhinacyadu ay diirada saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin damaca Villa Somalia ee doorashooyinka soo socda
Madaxwaynaha Jubbaland oo aad ay isku hayaan Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la ogayn ka soo qayb galkiisa shirka , maadama kuwii hore uu ka biyo diiday
Puntland isma hayaan Dowladda Dhexe waxa ayna ku maqan tahay khlaaf asalkiisa uu yahay magaaabistii Ra’iisulwasaaraha oo ay ku sii daransantay wax ka bedelka Dastuurka.
Leave a Reply