Cali Yuusuf Cali “Dalku doorasho ayuu aaday qof walboo ku talagal ‘’.

Cali Yuusuf Cali “Dalku doorasho ayuu aaday qof walboo ku talagal ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale ku celisay in dalka ay ku qaban doonto  doorasho qof iyo cod ah isla markaana ay muhiim  tahay in loo diyaargaroobo doorashadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in dalka uu laabay albaabkii doorashada dadbadan isla markaana dib dambe loo aadi dooni doorasho Teendhada ka dhacda.

Waxa uu intaas raaciyay in  Teendhada  ay duminayaan isla markaana laga dhisayo dabaqyo ,  taas oo uu yiri waxay muujinaysaa in laga guuray  doorasho dadban iyo Teendhada.

“Dalku doorasho ayuu aaday qof walboo ku talagal, yuusan shaki ka galin arinkaas teendho dambe oo la aadayo majirto ” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray mucaaradka, wuxuuna ka dalbaday inay safka dhinacooda kasoo raacaan, qaybna ay ka noqdaan doorashada.

Dhawr jeer ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeen in dalka ay ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah isla markaana laga guurayo doorasho dad badan iyo teendhada Afisooyooni oo ay ka dhaceen doorashooyin dhawr ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.