Wasiirrada Iran ooshir  deg deg ah ka yeeshay geerida Ebrahim Raisi

Wasiirrada Iran ooshir  deg deg ah ka yeeshay geerida Ebrahim Raisi

Tehran (Raxanreeb )- Golaha wasiirada dowladda Iran ayaa kulan degdeg ah ka yeelanaya geerida Madaxweynihii dalkaas Ebrahim Raisi, wasirrkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil kale oo la xaqiijiyay in ku dhinteen shil diyaarad.

Madaxweyne ku xegeen ah Iiraan maxamed mokhber ayaa shir guddoominaya kulanka degdegga ah, waxaana la filayaa in dalkaas looga dhawaaqo xaalad degdeg ah iyo maalmo baroordiiq ah.

Sidoo kale waxaa iska soo daba-dhacaya dhambaalada tacsida ah ee ay madaxda caalamku u dirayaan dowladda iyo shacabka reer Iiraan ee la tiicayay murugada.

Dowladda Soomaaliya oo horay uga hadashay shilkii diyaaradda madaxweynaha dalkaas, oo la filayaa inay dhowaan war ka soo saari doonto geerida Madaxweyne Ebrahim ra’isi, iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.