KABUL : 20 Qof oo ku geeriyootay doon ku qalibantay Badda u dhaxeysa Afganistaan.

KABUL : 20 Qof oo ku geeriyootay doon ku qalibantay Badda u dhaxeysa Afganistaan.

Muqdisho (Raxanreeb )- 20 qof ayaa ku dhintay doon ku qalibantay wabi ku taal gobolka Nangarhar ee bariga Afgaanistaan, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah ee deegaanku, xilligaan ayaa ah xilli ay badda si aad ah u kacsan tahay

Quraishi Badloon, oo ah madaxa waaxda warfaafinta ee gobolka Nangarhar ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa X ku sheegay in doontu ay ku rogmatay wabi ku yaal deegaanka Basawul ee degmada Momand Dara subaxnimadii sabtida.

Waxa uu intaasi ku daray in doonida ay la socdeen 25-ruux, kuwaas oo 5 ka mid ah ay ka badbaadeen,halka 20-kii kale ay shilkaas ku naf waayeen,waxayna saraakiishu baarayaan sababta keentay dhacdadan.

Waaxda caafimaadka ee gobolka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa hadda la soo saaray meydadka shan qof oo isugu jira nin, haweenay, laba wiil iyo gabar, waxaana weli socda dadaallo lagu raadinayo dadka kale ee aan raq iyo ruux midna lagu hayn, ayadoo koox caafimaad iyo baabuur ambalaas ah loo diray goobta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.