DIL fool xun oo ka dhacay Garoowe oo buuq badan dhaliyay.

DIL fool xun oo ka dhacay Garoowe oo buuq badan dhaliyay.

Garoowe (Raxanreeb )- Ehelada wiil dhallinyaro ah oo bajaajle ahaa oo maleeshiyada la baxay xasilinta Garowe si arxandarro, bareer ah u dileen ayaa  baaq u diray Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Marxuumkan oo maydkiisu tallaagad ku jiro 7 beri waxaa isaga iyo wiil kale si bareer ah u toogtay askari cabsan oo ka tirsan ciidanka loo bixiyey Xasilinta, kuwaas oo dhibaato badan u geystay dadka shacabka ah ee Garoowe ku nool.

Hay’adaha amniga Puntland ayaa maalmo ka hor saxaafadda ka sheegay, in howlgal lagula dagaalamayay hubka sharci darrada ah iyo maandooriyaha, uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray shacabka, iyagoo sheegay inay qaadanayaan masuuliyadda arrintaas.

Hase ahaatee, qoyska marxuumka ayaa maanta sheegay in laamaha amniga Puntland ay albaabada ka laabteen, una diideen inay qaabilaan oo ay kala hadleen cabashada dilka wiilkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.