RW Xasan Cali Khayre ‘’Waa ka damqanayaa in ahlu qabuurka loo dhaco ‘’.

RW Xasan Cali Khayre ‘’Waa ka damqanayaa in ahlu qabuurka loo dhaco ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )- Waxaa  aad Soomaali badan ay uga xumaadeen  in Iskuul bulisiyo laga soo saaro maydadka dad badan oo halkaas ku aasnaa sanado badan , waxaana falkaas lagu cambaareeyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxwaynaha.

Siyaasiin badan ayaa sidoo kale ka falceliyay talabaada markale lagu fagaayo ahlu qubuurta ku aasan iskuul bulisiyo ee magaalada Muqdisho

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadal ka soo saaray maydadka la soo saarayo ayaa sidan u dhigay hadalkiisa.

‘’Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonayaa amarka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu amray in la faago meydadkii ku aasnaa qubuuraha Iskool Polizia. Waa amar gurracan iyo fal argagax leh oo ceeb iyo cambaar ku ah madaxda dalka iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliyeed, taariikhdana ka geli doono baal mugdi ah ‘’

Intaas waxa uu raaciyay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre :

‘’Waxaa xusid mudan in mowtada qubuurahaas ku aasan ay u badan yihiin masuuliyiin dowladeed iyo saraakiil ciidan oo dalkan naftooda u soo huray, halkaasna loogu aasay duruufo amni. Waana nasiibdarro in maanta loogu abaalgudo in ehelladooda lagu qasbayo in ay faagaan qabriyadooda, lacagna looga qaato in ay meydadka la baxaan ‘’

Waxa uu ku soo gaba-gabeeyay qoraalkiisa Xasan Cali Khayre :

‘’Waxaan qoysaska iyo ehellada dadka qubuurahaas ku aasan uga tacsiyeynayaa falkan uur-ku-taallada ah. Waxaana madaxda dalka ugu baaqayaa in la xurmeeyo meydadka, si degdeg ahna loo hakiyo fulinta amarkan gurracan, raalligelin buuxdana la siiyo ehellada mowtada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee la anfariirsan warkan dhiillada leh ‘’.

Leave a Reply

Your email address will not be published.