Habacsanaanta Gargaarka DFS & Halista ka jira magaalada Baraawe.

Habacsanaanta Gargaarka DFS & Halista ka jira magaalada Baraawe.

Baraawe (Raxanreeb )- In ka badan 20 qof ayaa u dhintay qaar kalena way la il daran yihiin xanuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay magaalada Baraawe iyo tuulooyinka u dhow.

Dadka ugu badan ee qaba xanuunka ayaa xaaladdooda lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Baraawe, iyadoo ay kordheyso tirada dadka ee shubanka uu soo ridanayo.

Waxaa la warinayaa  in laga cabsi qabo in xaaladdu ka sii darto, haddii aan wadajir loogu istaagin sidii lagu joojin lahaa faafidda cudurka, isla-markaana laga jawaabin waxyeellada ilaa hadda ka dhalatay.

Saraakiisha isbitaalada magaalada – Baraawe ayaa sheegaya in saacad kasta la keeno xarumaha caafimaad dad aad u liita oo xanuunka uu haleelay.

Waxa muuqanaysa in ay jirto habacsanaan xaga gargaarka ah oo dhanka dowladda Soomaaliya, iyadoo ay sii – kordhayaan dhibaatooyinka ka jira magaalada Baraawe ee Sh. Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.